Kulankii Trieste: iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga / Cooperazione tra Somalia e Italia

Kulankii Trieste ee 28 Sebtembar 2026: tababarka dhalinyarada Soomaaliyeed, iskaashiga Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo hawlaha mustaqbalka. / L’incontro a Trieste, la formazione e le prossime iniziative.

Trieste · 28 Sebtembar 2026 / 28 settembre 2026

Ka qaybgalayaasha kulanka Trieste ee 28 Sebtembar 2026
Kulanka Trieste / L’incontro a Trieste, 28 settembre 2026

Kulankii Trieste / L’incontro a Trieste

Af-Soomaali

Walaalayaal, shalay oo Isniin ahayd, 28-kii Sebtembar, waxaan ka qaybgalay kulan ka dhacay magaalada Trieste, kaas oo lagu qabtay xafiisyada wakiillada ee Gobolka Friuli Venezia Giulia. Waxay ahayd munaasabad heer sare ah oo muhiimad weyn leh, marka loo fiiriyo dhinaca xafladda lafteeda iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga. Waxaan helay fursad aan kula kulmo shakhsiyaad iyo mas’uuliyiin muhiim ah oo ka tirsan Hay’adda Furdooyinka ama Dekedaha iyo hay’ado kale oo muhiim ah oo dowladda Soomaaliya ka tirsan. Ururka uu hoggaamiyo Axmed Faqi, iyagoo kaashanaya Gobolka Friuli Venezia Giulia, ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay koox dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kaas oo qayb ka ah mashruuc diiradda saaraya hawlaha dekedaha ama Furdadaha iyo kuwa Bakhaarada keydinta konteynarada gudaha dalka Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka qaybgalaya tababark, iyo dalkaba Huud ahaan ay ka faa’iideysan doonaan.

Italiano

Cari fratelli e sorelle, ieri, lunedì 28 settembre, ho partecipato a un incontro tenutosi a Trieste presso la sede di rappresentanza della Regione Friuli Venezia Giulia. È stato un evento splendido e significativo, sia per la cerimonia in sé sia ​​per la proficua collaborazione tra Somalia e Italia. Ho avuto l’opportunità di incontrare figure chiave e funzionari dell’Autorità doganale e di altre importanti istituzioni statali somale. L’associazione somala di Ahmed Faghi, in collaborazione con la Regione Friuli Venezia Giulia, ha organizzato un corso di formazione per un gruppo di giovani somali, nell’ambito di un progetto incentrato sulle operazioni portuali e nell’entroterra in Somalia. Auspico che i giovani somali che partecipano al corso, e il Paese stesso, possano trarne beneficio.

Hawlaha mustaqbalka / Le prossime iniziative

Af-Soomaali

Walaalayaal Mudanayaal iyo Marwooyin, marka la dhammeeyo diyaarinta dukumeentiyada iyo qalabka sharciga ah, waxaan u hawlgeli doonnaa sidii aan u fulin lahayn hawlo la mid ah kuwii laga hirgeliyey Friuli Venezia Giulia—iyadoo laga faa’iideynayo dadkeenna ku nool Talyaaniga iyo Soomaaliya—si loo gaaro yoolalkii loo aasaasay Ururka Bulshooyinkeenna.

Italiano

Signore e signori, una volta completata la predisposizione dei documenti e degli strumenti giuridici, procederemo ad attuare iniziative analoghe a quelle realizzate in Friuli Venezia Giulia – a beneficio delle nostre popolazioni sia in Italia che in Somalia – al fine di raggiungere gli obiettivi per i quali è stata costituita la nostra Associazione di Comunità.

Mahadcelin Sareeda / Un ringraziamento a Sareeda

Af-Soomaali

Aad baad u mahadsan tahay, Sareeda qaaliga ah. Waxaan si fudud u gutay waajibkaygii—wax intaas ka badan ma ahayn. Laakiin waxaan aaminsanahay in haddii aan si wadajir ah ugu shaqeyno go’aan-qaadasho iyo xamaasad daacad ah, aan wax badan u qaban karno dhammaanteen si wada jir ah

Italiano

Grazie mille, cara Sareeda. Ho semplicemente fatto il mio dovere: nulla di più. Tuttavia, credo che lavorando insieme con determinazione ed entusiasmo sincero, possiamo ottenere grandi risultati a beneficio di tutti noi.

Fiidiyowga / Il video

Warbixinta ANSA / L’articolo ANSA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *